Daawo Muuqaal: Madaxweyne Qoorqoor oo ku eedeeyay Ahlusunna inay dagaalka Guriceel mas’uul ka yihiin

26 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka dhacay magaalada Guriceel isagoo ugu baaqay hay’adaha samafalka in kaalmo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa yiri “Waxaan ugu baaqnay kooxda Ahlu Sunna si nabadgelyo ah ugaga baxaan magaalada Guriceel ayna taasi badalkeeda hab nabad ah wax ku raadiyaan balse waa ay ka biyo diideen dagaalna u diyaar garoobeen.”

Hase yeeshee Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisu uu is difaacayo iyadoo Ahlu Sunna ay qorsheeyeen inay deegaano horleh ay la wareegaan.

Dagaal mudoo saddex maalmood ah ka socday magaalada Guriceel ayaa sababay in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmaan,waxayna weli isku horfadhiyaan ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowlada xaafadaha magaalada Guriceel iyadoo aysan jirin wax xabad jooojin ah.

<
Puntlandes.com

About The Author