Ciidamada Ahlusunna oo ka baxay magaalada Guriceel
27 Okt 2021 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidankii Ahlu Sunna ee uu hoggaaminayey Sheekh Shaakir Cali Xasan ay waaberigii saaka ka baxay saldhigyadii ay uga sugnaayeen magaalada Guriceel kadib dagaal socday muddo 4 cisho ah.
Ciidamada Ahlusunna ayaa ugaga baxay magaalada Guriceel kadib wadahadalo illaa xalay ka socday magaalada Guriceel, waxayna u baxeen deegaanka Godwiil ee dhinaca Waqooyiga degmada Guriceel iyagoo ku wajahan deegaanka Bohol ee agaarka Dhuusaamareeb.
Wararka ayaa sheegaya in dadaal ay sameeyeen ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Galmudug ay ku guuleysteen inay ka baxaan Ahlusunna.
Ururka Ahlusunna ayaa uga tagay labo gaari oo ah kuwa gaashaaman gudaha xarunta Jaamacadaha iyadoo gaadiidka dagaalkana ay ahaayeen kuwo ay ku qabsadeen dagaal ka dhacay Bohol bishii hore.
Puntlandes.com