Daawo Muuqaal: Taliyaha Booliska Guriceel ”lama cafin doono cid kasta oo la shaqaysay ahlusunna”

27 Okt 2021 (Puntlandes) Ciidamada Ahlusunna ayaa saaka isaga baxay Guriceel kadib wada-hadal dhexmaray iyaga iyo Ganacsato u dhashay magaalada oo dhex-dhexaadinayay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna.

Taliyaha Booliiska degmadaas u qaabilsan Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda magaaladu deggantahay kadib markii Ahlusunna baxday.

Taliyaha Booliiska Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa sidoo kale sheegay in aan la cafin doonin cid kasta oo Ahlusunna la shaqaysay oo weli ku sugan magaalada.


Puntlandes.com

About The Author