Sawirro: Deegaanka Qarxis ee degmada Eyl oo laga daah-furay Ceel-biyood ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanku

28 Okt 2021 (Puntlandes) Deegaanka Qarxis ee hoos taga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa laga daah-furay Ceel-biyood ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanku.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shir Cabdi ayaa daah-furay qodist Ceel-biyood kan uu yeelanayo Deegaanka Qarxis.
Kharashka lagu qadaayo Ceelka ayaa waxaa Bixinaysa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Bulshada deegnka Qarxis ayaa Dowladda Puntland uga mahad celiyay Qodista ceelkan, waxana ay sheegeen in deegankan ay ka jirtay biyo la’aan.


Puntlandes.com

About The Author