Soomaaliya oo 1aad ka gashay wadamada aan la soo qaban dadka dila saxafiyiinta
29 Okt 2021 (Puntlandes) Warbixin ay soo saartay Guddiga Difaaca Saxafiyiinta ayaa lagu sheegay in dadka ka dambeeya dilalka saxafiyiibta aan caddaalada la horgeyn oo ay si xor ah isaga socdaan meel walba oo ay doonayaan.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, CPJ waxay diiwaangelisay 278 dil oo saxafiyiin ah. 81% kiisaskaas, qofna weligii looma xukumin dembiga.
“Tani waxay fariin xun u diraysaa saxaafadda, sababtoo ah dawlad kasta, koox kasta oo dambiilayaal ah oo rabta inay aamusiso saxafiga, waxay sidaas ku samayn kartaa dhawr kun oo doollar si ay u shaqaaleysiiso gacan-ku-dhiigle,” waxaa sidaas u sheegay VOA Robert Mahoney oo ah ku xigeenka agaasimaha fulinta ee CPJ.
Warbixinta ayaa sanadkan waxa lagu muujiyay in wadamada Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq ay kaalinta koowaad kaga jiraan liiska kuwa ugu yar ee lala xisaabtami karo ee ah gacan ku dhiiglayaasha dila suxufiyiinta. Iyadoo Shanta waddan ee ugu daran dhammaantood la tacaalayaan xasillooni-darro siyaasadeed.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay dalka Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo, in lagu qiyaasay 70 wariye oo siyaabo kala duwan ugu dhintay 25 dil aan la xalin.
Afgaanistaan ayaa liiskan ku jirta kaalinta shanaad, iyadoo ugu yaraan 17 dil oo aan la xalin loo geystay 10-kii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan ugu yaraan afar weriye oo u shaqeynayay Radio Free Europe/Radio Liberty, oo ah hay’ad ay bahwadaag yihiin VOA.
Balse dalkan ayaa waxaa sii kordhayey khatarta ay wajahayaan saxafiyiinta iyadoo sanadkii la soo dhaafay saxafiyiinta ay carareen ka dib markii Taliban ay xukunka la wareegtay sida ay sheegtay CPJ.
Ugu yaraan laba ka mid ah saxafiyiinta ayaa lagu xusay xogta CPJ inay hanjabaado ka heleen Taliban ka hor geeridooda. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ururka Daalibaan loogaga shakisan yahay dilka ugu yaraan 27 saxafi.
Bilihii la soo dhaafay saxafiyiinta ku sugan dalka Afgaanistaan iyo kuwa ka cararay dalkaasi ayaa sheegay in la la’yahay qaar badan oo ka mid ah saaxiibadooda.
“Lama oga halka ay ku sugan yihiin in ka badan 200 oo saxafiyiin ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah,” Storai Karimi, oo ah wariye ka tirsan Pajhwok Afghan News oo ammaankeeda ugu carartay Pakistan, ayuu u sheegay VOA bishii Sebtembar.
Farida Nekzad, oo ah maamulaha xarunta difaaca haweenka saxafiyiinta Afgaanistaan, oo Canada si nabad ah ugu qaxday, ayaa VOA u sheegtay bishan in asxaabteeda ay ka sheekeeyeen sheekooyin naxdin leh oo ciidamada Taliban ay u galeen xafiisyadooda iyo guryahooda balse ay aad uga baqayaan in ay sheegaan hanjabaadaha ay la kulmayaan.
“Qofna ma soo qaadi doono arrimahan, sababtoo ah way baqayaan,” ayay tidhi.
“Sababtoo ah ma jirto wax dammaanad ah (nabadgelyo), waxay u malaynayaan malaha haddii ay ka hadlaan wixii dhacay habeen hore, ‘caawa way noo iman doonaan oo na qaadi doonaan, waana la waayaynaa,” ayay sii raacisay.
Saxafiyiin ka tirsan shabakadaha USAGM oo ay ku jirto VOA ayaa ka mid ah kuwa ka qaxay ama isku dayaya in ay ka baxaan Afgaanistaan.
Sababtoo ah kuwa handada ama dila saxafiyiinta waa dhif in lala xisaabtamo, cabsida iyo faafreebka suxufiyiinta ayaa kordhay, sida uu sheegay Mahoney.
“Xisaab la’aantu waa kansar ku dhaca saxaafadda, waxay sababtaa in saxafiyiinta ay faafreeb ku sameeyaan naftooda, sababtoo ah waxay ku nool yihiin baqdin noloshooda haddii ay iftiimiyaan meelo mugdi ah,” ayuu yidhi. “Inta uu gacantiisa ku jiro gacan ku dhiiglaha weriyaha, saxafiyiinta dalkaas khatar bay ku jirtaa.”
Tan iyo markii CPJ ay soo saartay tusmaynta isla xisaabtan la’aanta sannadlaha ah toban sano ka hor, xaaladda dalal badan oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya uma muuqan inay soo hagaagtay.
Laakin dadka u dooda xoriyada saxafada ayaa sheegaya in ay lagama maarmaan tahay in la sii wado cadaadiska iyo la socodka wadamada aan la xisaabtamin gacan ku dhiiglayaasha.
“Runtii waxaan qabaa inay qiimo leedahay in waxyaalahan loo magacaabo sida ay yihiin iyo in lagu soo bandhigo goob fagaare ah,” Almudena Bernabeu, oo ah qareen caalami ah iyo agaasimaha Xarunta Guernica ee Cadaaladda Caalamiga ah, ayaa u sheegay VOA.
Bernabue ayaa loo doortay inuu noqdo madaxa dacwad oogaha maxkamadda cusub ee dadka ee The Hague taasoo baaritaan ku sameyn doonta dilalka saxafiyiinta. Dhageysiga koowaad ayaa loo muddeeyay 2-da Nov, oo ah maalinta caalamiga ah ee dhameynta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.
Maxkamaddu ma yeelan doonto awood ay ku ciqaabto ama ku xukunto cid kasta, laakiin dadka ku lugta leh ayaa sheegaya in hannaanka baadhista xaaladaha iyo tuhmanayaasha ku lug leh ay faa’iido u yeelan doonto xorriyadda saxaafadda adduunka oo dhan, xitaa haddii ay suurtogal tahay in hoggaamiyeyaasha dawladdu aanay ka soo muuqan maxkamadda laftooda.
Ceebtan iyo qirashada dadwaynaha ayaa ah dhiirigeliyayaasha ugu muhiimsan ee ka dambeeya sii daynta tilmaanta isla xisaabtan la’aanta.
“Tusmada isla xisaabtan la’aanta waxay dirta fariinta ah inaanan iloobi doonin asxaabteena dhintay,” Mahoney ayaa yidhi.
“Waxaa naga go’an inaan cadaaladda u raadino suxufiyiinta la dilay iyagoo raadinaya xirfadooda,” ayuu yiri