Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
01 Nov 2021 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimadda Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao.
Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in xiriirkan la gaarsiiyo heer cusub oo wax wadaagid iyo iskaashiba leh oo ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.
Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay sida uu dalkiisu u doonayo sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyadoo hore loo dhaqaajinayo iskaashi dhinacyo badan leh oo dan u ah labada dal, isaga oo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu kor u qaadi doono deeqaha Shiinaha ee Soomaaliya si loo gaaro xasilooni iyo horumar.