Xaalad dag daga oo RW Abiy ku soo Rogay Dalka Ethiopia
02 Nov 2021 (Puntlandes) Golaha Wasiirada Dalka Ethiopia oo shir aan caadi ahayn yeeshay ayaa go’aamiyay in lagu soo Rogo guud ahaan Ethiopia Xaalad Dag daga, taas oo dhaqangalaysa maanta.
Golaha shacabku muddo 48 saac gudahood ah ayey ku ansixinayaan sida ay sheegeen wasiirka Is-gaadhsiinta dowladda Dr. Legesse Tulu iyo wasiirka caddaaladda, Dr. Gideon Timotiyos oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay.
Golaha wasiirrada ayaa ku sababeeyey inay go´aankaas u gaareen si looga hortago dagaalka ay guulaha ka gaartay TPLF ee ay ku qabsatay deegaano badan oo aad muhiin u iminkana iyaga iyo OLA ay kulaalayaan caasimadda dalka Itoobiya Addis Abeba.
Puntlandes.com