Culimada Puntland gaar ahaan Xarakada Ictisaam Maxey uga aamusan Yihiin Makiinada Lacagta Faalsada??
Faaladeena Tusmo waxaan ku eegi doonaa Aamusnaanta Culimada Puntland gaar ahaan Culimada Ictisaam ay Ka Aamuseen Makiinada Lacagta Faalsada ee Halaagi doonta Ummada Masaakiinta ah ee Puntland.
Sida aan la socono Amase lagu Keydiyay Taariikhda Puntland, ma aha Markii ugu horeysay ee la keeno Makiinad Daabacda Lacagta Faalsada ee A4. Balse waa Markii ugu horeysay ay Ka Aamuseen Culimada Puntland gaar ahaan Culimada Ictisaam.
Sida Dad badani Xasuusan yihiin Dowladii Cade Muuse Iyo Kooxo Maafiya ah oo qeybtood ay Maanta horboodayaan Makiinada cusub Sida Guddoomiye ku Xigeenka Barlamaanka Puntland Abdixamiid Sheekh Abdisalaan, Iney keeneen Makiinadii lagu Ceyrtoobay ee bur-burisay Dhaqaalihii Puntland isla markaana Sicir barar ku Ridey Nolosha Shacabka Puntland. Waxaan marna la ilaawi Karin Khatartii ay dhalisay Makiinadii dalka la keeney Xiligii Madaxweyne Cade Muuse Iyo Raadkii Foosha xumaa ay ku reebtay Maskaxda Dadka Puntland oo Ilaa Iyo Maanta Cabsi laga qabo Taariikhdii laga dhaxlay Makiinadaas.
Hadaba Waxaa Ilaahay u bixiyay Shacabkii la Aafeeyay Xiligii Cade Muuse, Culimada Puntland gaar ahaa Al Ictisaam. Culimadaas qeybtood waa dhinteen Eebe ha u Naxariisto Sheekh Abduqaadir Gacamey, Iyo Sheekh Dr Axmed Xaaji Abdirixmaan. Nasiib daro Culimaadii Ehlu Khyerka aheyd ee Ummada u tureysay waa la dilay. Hadaba Maanta oo la marayo 2015, Waxaa Soo cusboonaatay Makiinadii Lacagta Faalsada oo ay horboodayaan Kooxa Manaxayaal ah oo huwan Magac Ganacsato qaarkood ka tirsan Ururka Al Ictisaam. Waxaa wax lala yaabo ah Nadwadii ku qabsoontay Bossaso Isbuucan Ee laga Soo saaray Bayaanada Shiicada looga hadlay inaan lagu xusin Makiinada Lacagta Iyo Fasahaadka ay keeni doonto. Sow lama oran karo Wadaadii Ictisaam wax weyn baa Aamusiyay?? Ma Waxa ay ku Qanceen Raga Ictisaam ee Makiinadan Saamiga ku leh?? Ma Waxa ay la Aamusan yihiin Dano gaar ah?? Ma Waxa ay sugayaan Maalinta Shacabka Puntland ay Ceyrtoobaan?? Mise Waxa ay is lee yihiin Idinku Ganacsi baad ku jirtaan Afkiina Xirta??
Taariikh walba Waxa ay lee dahay Rag qora Iyo Koox Keydisa. Culimada Ictisaam ee Maanta Ka Aamusan Makiinada Lacagta Faalsada Iyo Kooxaha Tuugada ah ee Magaca Ganacsatada Isticmaalaya Waxa ay ku Qormi doonaan Baal Madow aan la ilaawin.
Hadaba Hadii Culimada Ictisaam ay Akhriyaan Faaladan Tusmo Waxaan lee nahay wali Fursad baa heysataan Kakaca Fadhiga oo Dadka ka bad-baadiya Burcada Magaca Ganacsatada xiran, Hadii aad Ka Aamustaan Waxaa Cadaan doonta inaad Raali ka tihiin oo aad ku Qanacdeen Shakhsiyaadka Ictisaam kamid ah ee Makiinadan wax kaga jira, waxaadna ogaataan Halgankii looga saaray Makiinadii Xiligii Madaxweyne Cade Muuse Dalka la keenay iney aheyd oo kaliya Ictisaam waxba kuma laheyn Makiinadaas. Dadka Shacabka ah Iyo Ganacsatada Puntland waxaan lee nahay waad ujeedaan Culimadii Ictisaam iney ka Aamuseen Makiinada Khatarta ku Abuuri doonta Nolosha Shacabka isla markaana Ganacsatada ka xaalufin doonta Dollarka ay shaqeysteen.
Waxaan lee nahay Shacabow Cidina idin ma Maqna Ceelna idin ma Qodna, Ee Halaga hortago Makiinada Sicir-Baraka ku Abuuri doonta Nolosha Qoys walba oo Puntland ku Nool. Hadiiba Shacabkii Puntland ay Tashteen Maamulka Madaxweyne Abdiwali Gaas Iyo Kooxaha Manaxayaasha ah ee Ganacsatada Magaceeda huwan, Eebe weyne ayaa Awood Iyo Gar-gaar mudan, Yaa Allah u Gar-gaar Shacabka Puntland ee Makiinada Lacagta Faalsada loo Keensadey kana qabo Kooxahan Manaxayaasha ah.
Puntlandes.com