Gudoomiyaha golaha guurtida Hawiye Xaad oo afka furtay kuna eedeyey Nickolas Key iyo RW Sharmarke in ay Puntland hubaynayaan
Gudoomiyaha golaha guurtida Hawiye Oday Xaad ayaa ku eedeeyey rgayga Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Nickalos Key inuu Puntland kala shaqeeynayo sidii loo burburin lahaa Maamulka goboladda dhexe ,sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay inuu hub badan u saxiixay Puntland si ay weerar ugu qaadaan degaanadda Khaatumo iyo Somaliland waa sida uu Oday Xaad sheegaye.
Mar uu Oday Xaad ka hadlayey Ciidamada Federaalka Soomaaliya ee lagu heshiiyey in Puntland laga qoro ayuu wuxuu yiri Oday Xaad “Nickalos Key wuxuu cadeeystay dagaalkiisa, wuxuu Puntland u saxiixay seddex kun oo qori iyo rasaas farabadan, waxaana sidoo kale hubkaas waxaa saxiixay Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaa hubkaas loogu tala galay in lagu weeraro Koofurta Galkacyo iyo maamulka goboladda dhexe laga dhisayo”
Oday Xaad wuxuu dhinaca kale tilmaamay in Shariif Hassan oo kaashanaya Ciidanka Ethiopia uu doonayo inuu xoog ku qabsado degaanadda beelweynta Hawiye ee Degmada Afgooye.
Dhaqanka Oday Xaad wuxuu God dheer ku sii ridayaa dawladnimada Soomaaliya waana in loo taagnaado muran joogto ah.
Puntlandes.com