Sawirro: NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado Drone ah

03 Nov 2021 (Puntlandes) Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen.

Diyaaradahaan ayaa ah illaa lix xabo sida ay ilo xog ogaal ahi sheegeen, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, waxaana dalka la keenay iyagoo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. 

Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.

Xildhibaan Zakariye Xaaji ayaa sheegay in diyaaradaha Drones uu ka keenay dalka Turkiga, ayna leedahay Shirkad lagu magacaabo Hufan oo ka shaqeysa la dagaalanka cayayaanka beeraha.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay.
Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka codsaday NISA inau hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan si degdeg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in diyaarado Drones ah la soo geliyay dalka, lagana cabsi qabo falal amniga lid ku ah in loo adeegsado.


Puntlandes.com

About The Author