PLTV oo isku bedelay TV ku hadla afka Xamar ee aan ku hadlina Afka reer Puntland!
Sidii Puntland TV loo hoos geeyey Wasaarada Warfaafinta Puntland ee uu Wasiirka ka yahay Indhoguran wuxuu bilaanay in uu ku shaqeeyo 100% sii uu madaxweyne Gaas doonayey oo ahayd in uu noqdo TV hoos taga Villa Somalia iyo kooxda Dam Jadiid. Todobaadkii hore wuxuu baahinayey TV ga Puntland warar ay la yaabeen dadka reer Puntland kuwaasoo ahaa in uu soo daayo shirar ay horboodayeen Xildhibaano caadaystay nacaybka dadka reer Puntland iyo Jubaland kuwaasaoo oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow wuxuu caado ka dhigtay in uu markasta ka shaqeeyo sidii Puntland looga horjoogsan lahaa Waxbarashada iyo dhan kasta oo horumar ah. Waxaana u dambeeyey oo uu “Khiyaano Qaran” ku tilmaamay tagidii uu Raysul Wasaare Cumar cabdirashiid socdaalka ku tagay Puntland.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow wuxuu mar walba ka qayb qaataa ridida Raysul wasaarayaashii soo maray DFS isagoo ku eedeeya in ay Puntland la shaqeeyaan. Raysul wasaarayaasha uu wax ka ridayna waxaa u dambeeyey Raysul wasaarayaashii hore ee DFS Cabdiwali Sheekh.
Todobaadkii hore wuxuu baahinayey TV ga Puntland laba habeen oo isku xigta Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow iyo raxan kale oo Xildhibaano iyo odayaal isugu jira oo ku doodaya wax Jubaland la yiraahdo ma jirto. Waxaa Puntlandes soo gaaraya cabasho ka imaanaysa shacab reer Puntland ah oo aad uga caraysan TV sita magacooda in uu u adeega Cadawga Puntland iyo Jubaland.
Hoos ka daawo xalay TV ga Puntland oo baahinaya wasiir ku xigeen la mid ah Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow. Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “Ri walba shilalka ay is higtaa lagu qalaa” Puntland maanta Dr Gaas wuu dayacay wuxuuna u looday Cadawgeeda.
Puntlandes.com