DFS oo dalka ka ceyrisay ku xigeenkii ergeyga Midowga Afrika
04 Nov 2021 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraalka oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah, kadib markii laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin)
Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan shaacin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyada uu ku lug yeeshay Mulongo ee ay ku haysato.