Wasiirka Maaliyada Puntland oo Badda Puntland Soo gashay 10-Markab oo Cusub

Wararka ka imaanaya Deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Bari ayaa sheegaya in lagu Arkay Badda u Dhaxeysa Xaafuun Iyo Qandala Maraakiib Cusub oo Tiradooda lagu sheegay 10-Markab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Maraakiibtaas la saaray 75,Wiil oo Mooryaan ah kuwaas oo ilaalo ka qabanaya Markabka. Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax Iyo Qoyskiisa ayaa muddo 20-Sano ah Jiriif Iyo Xaalufin ku haya Badda Puntland Iyagoo Wakiil u ah Nin Maafiya ah kana Soo jeeda Dalka Korea Laguna Magacaabo Kim il Sung isla markaana dagan Dalka Oman gaar ahaan Caasimadiisa Muscat.

Dowlada Puntland Iyo Madaxweyne Abdiwali Gaas ayaa balan ku qaaday iney Iibiyaan Badda Puntland Maalmaha ay Xafiiska joogaan si ey Jeebadaha u buuxsadaan. Iyadoo lala socdo qeyla Dhaanta ka soo yeereysa Ganacsatada Xeebaha Puntland ee ku sugan Magaalooyinka Xeebaha. Waxaa Iyana la yaab ah Wasiirka Kaluumeysiga Mudane Biindhe sida Indha-adeyga leh ee uu u bixinayo Shatiyada Iyadoo aan la aqoon Baahida ku khasbeysa inuu bixiyo Shatiyo lacag Yar.

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, oo horay u yiri Jiriifka Kaluumeysiga Badda Puntland waa Masiibo Qaran ayaa hadana hoos ka Saxiixaya Hishiisyo qeybtood Lasoo bandhigay Isagoo u saxiixay Shirkada uu lee yahay Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax Iyo Walaalkiis ee Wakiilka u ah Ganacsadaha Tuuga ah ee Reer Korea. Isku Soo wada duub Waxaa laga dareemayaa Deegaanada Puntland Kaluun yari Iyo Aaragoosto la’aan Iyadoo loo Aaneynayo Maraakiibta waa weyn ee markiiba Xaalufineysa Boqolaal Kun oo Tan oo Khyeraad ah.

Puntlandes.com

 

About The Author