Simon Mulongo oo ka hadlay eryidii DFS
06 Nov 2021 (Puntlandes) Simon Mulongo oo ah Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aanka Khamiistii ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasoo loogu sheegayay inuu dalkan uga boxo mudo 7 cisho gudeheed ah.
Mr. Mulongo oo u dhashay dalka Uganda, ayaa iska fogeeyay eedaha ay u jeedisay dowladda Soomaaoiya, xili uu khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.
“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.
Waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal eheyd inuu fulinayo amarka dowladda, wuxuuna hadalkiisa ku soo gaabiyay in hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran Karin xiligan.
Simon Mulongo , Waa Diblumaasigii labaad ee xil sare haya oo Soomaaliya laga eryo inta uu xafiiska joogo Farmaajo.
Bishii Janaayo 2019 dowladda Soomaaliya ayaa eriday Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka UN kadib markii uu ka hadlay xariggii Mukhtaar Roobow ee December 2018-ka.