Sawirro: Banaanbax ka dhan ah TPLF oo ka kala dhacay Jigjiga iyo Addis Ababa

07 Nov 2021 (Puntlandes) Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka dhacay banaan-bax ballaaran oo looga soo horjeeday TPLF oo dagaal adag kula jirta ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga, si ay taageero ugu muujiyaan ciidamada milatariga Itoobiya ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF.

Sidoo kale banaan-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee dagaalka ka socda waddanka Itoobiya.

Erayada ay isticmaanayaan banaan-baxayaasha waxaa ka mid ah “Waxaan taageersanahay howl-galka ciidanka Qaranka, Ma iloobeyno weerarka wuxushnimada ah ee TPLF ku qaaday waqooyiga dalka iyo Ereyo kale oo ay shacabka Jigjiga ku cabirayaan dareenkooda.

Banaan-baxayaasha ayaa waxay waxay steen boorar waa weyn oo lagu soo xardhay sawirka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Banaan-baxan ayaa daba socday khubadii uu shalay jeediyey madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar oo walaac ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, haddii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Dhinaca kale banaan-bax kan la mid ah oo ay ka qeyb-galeen kumanaan Itoobiyaan ah ayaa isla maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana goobjoog ahaa ma’uuliyiin ka tirsan dowlada oo hadallo ka jeediyey madasha, iyadoo lagu cambaareeyey Jabhadda TPLF.

Si kastaba, Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay dagaalka ay wado jabhadda TPLF oo haatan ku sii dhowaaneysa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.


Puntlandes.com

About The Author