Sawirro: Xarunta bulshada degmda Galdogob oo xariga laga jaray

07 Nov 2021 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda gaadiid hawada garoomada dowladda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo loogu talogalay inuu noqdo xarunta bulshada degmda Galdogob.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa wasiirka ku weheliyey masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshada Puntland, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland, wasiir kuxigeenka Waasarada Maaliyadda Puntland, Gudoomiye kuxigeenka gobalka Mudug, gudoomiyaha degmada Galdogob iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galadogob.

Wasiir Duraan ayaa shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo isla shalayna u gudbay degmada Galdogob halkaas oo uu u tagay xaring jarkaan.


Puntlandes.com

About The Author