Madaxweyne Deni oo magacaabay agaasime ku-xigeenka ciidamada PMPF
07 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha shaqo ee horyaala PMPF-ta Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Dowladda Puntland
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD