Fadeexad, Wasiir Indhaguran oo Saxiixi ka joojiyay Agaasimaha Tiiviga Puntland
Wararka lagu kalsoon yahay kana imanaya Warbaahinta Dowlada Puntland ayaa sheegaya Amaro Sharci daro ah kana Soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta kuwaasoo ku xusan inuusan shaqeyn karin Saxiixa Agaasimaha Tiiviiga Dowlada Iyo Raadiyaha Ashkir Nuur.
Waxaa Iyana Soo baxaya Warar lagu kalsoon yahay kuwaasoo sheegaya in Wasiir Indharaguran uu keeney Shaqada Wiil uu Adeer u yahay Laguna Magacaabo Burhaan kana mid ahaa Ragii Wasiir Indhaguran u fududeeyay Lacagtii uu ka dhacay Wasaaradii Sports Puntland ee uu Wasiirka ka ahaa 2013 Xiligii Faroole. Lacagtaas oo dhameyd Afar Boqol oo Kun oo Dollar ay bixisay Hayada UNDP uguna deeqdey Sports Mudug.
Lacagtaas oo Ilaa Iyo Maanta ay Hay’ada UNDP Dacwad la Daba taagan tahay Wasiir Indhaguran. Hadaba Shaqaalaha Tiiviga Puntland ayaa u arka Faragalinta Wasiir Indhaguran Iyo Boobka uu wado iney keeni doonto Cawaaqib Xumo Iyo Musuqmaasuq Baahsan. Dadka yaqaan Wasiir Indhaguran ayaa sheegaya Ilaa Iyo Xiligii uu Ethiopia joogay inuu ahaa Nin Musuqmaasuq isla markaana Dowlada Ethiopia ka baxsaday kadib Markii uu kala baxsaday Dowlada Hoose Wardheere lacag kala duwan.
Lama oga iney u Suurtagali doonto Boobka Cusub Wasiir Indhaguran balse Waxaa Hubaal ah ineysan Jirin Dowlad Iyo Madaxweyne kala Xadeeya Kana hortaga Musuqmaasqa Puntland ka jira. Waayihii u danbeeyay Waxaa Soo ifbaxayay Is-Qabsi Iyo Muran ka dhextaagan Agaasime Ashkir Iyo Wasiir Indhaguran Iyadoo Dad Badani la socdaan Waxqabadka uu Tiiviga gaarsiiyay Agaasimaha Tiiviga Puntland Muddadii koobneyd ee uu joogay.
Wasiir Indhaguran ayaa kamid ah Wasiirada Awooda ku leh Madaxtooyada Garowe Iyo Madaxweyne Gaas, Xili ay Socoto Dacwad ka dhan ah Wasiir Indhaguran oo ey Hay’ada UNDP wado Lacagtii uu ka dhunsaday 2013 Xiliguu Ahaa Wasiirka Isboortiga Iyo Shaqaalaha ka ahaa Xukuumadii Faroole.
Puntlandes.com