Mushahar La’aan Soo Wajahday Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland Iyo Laaluush ka Bilowday Madaxtooyada

Waxaa Muddooyinkii u danbeeyay Shaqada isaga tagay Dhalinyaradii Shaqaalaha Ka aheyd Madaxtooyada Garowe kuwaas oo Qurbaha uga yimid iney la shaqeeyaan Madaxweyne Abdiwali Gaas. Hayaanka Soo galay Dhalinyaradan ayaa loo sababeynayaa Mushahar xumo Iyo Daryeel la’aan kadib Markii ay Muddo Bilo ah u Soo Dhabar Adeygayeen Xaalad Adag.

Waxaa Iyana Soo baxaya Warar laga Naxo kuwaas oo sheegaya Busaarada Soo wajahaday Shaqaalaha Madaxtooyada iney Hakad galisay howalihii Madaxtooyada kadib Markii ay Bilaabeen Shaqaalahaas Shaxaad Iyo Baad ka dhan ah Wasiirada Iyo Shacabka Puntland ee Madaxtooyada booqanaya.

Mid kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada Garowe oo Magaciisa qariyay ayaa u sheegay Warbaahinta Puntlandes inuusan qaadan Mushahar muddo Sanad ah Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaan Cuntada ka cunaa Madaxtooyada Shaxaadka Iyo Isbaaradana Waxaan u dhigtaa Dowlada Iyo Dadka”

Waxaa Iyana la cadeeyay in lacag lagu  galo Madaxtooyada isla markaana Qofka doonaya inuu Arko Madaxweyne Abdiwali Gaas laga qaado Lacag  dhan 100$ Kulanka Madaxweynaha ayaa hada ah kan ugu Lacag badan. Qurbajoogta ayaa ku Liibaantay 100$ ee lagu Arkayo Madaxweyne Gaas Iyagoo Safara dheer u Soo gala La Kulanka Madaxweynaha si ay uga fushadaan Danahooda gaar ah.

Masuul isna Booqdey Madaxtooyada ayaa cadeeyay in laga qaaday Lacago kala duwan si loogu fududeeyo la Kulanka Madaxweynaha. Walow ay Cabanayaan Wasiirada gaaraya 70 Xubnood ee aan Mushaharka qaadan muddo Sanad ah hadana aan awoodin iney bixiyaan Lacagaha Laaluushka ayaa ka Cabanaya Hab dhaqanka Shaqaalaha Madaxtooyada Iyadoo ay aad u Adag tahay iney arkaan Madaxweynaha oo Qaarkood Shaqo Iyo Talooyin ugu socdaan Madaxweynaha.

Marka intaa laga yimaado Waxaa muuqata Musuqmaasuq hareeyay Madaxtooyada Garowe Iyadoo ay keentay Mushahar la’aanta Soo Wajahaday Shaqaalaha Madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland ee Bil walba ka dhoofa Laba Mar Puntland kuna daga Huteelo Qaali ah isla markaana kireysta Diyaarado Khaas ah ayaan la aqoon Sababta uu Awoodi waayay Mushaharka Shaqaalaha Askarta Iyo Madaxtooyada Puntland. Lama oga Xiliga ey Soo Afjarmeyso Laaluushka Ka socda Madaxtooyada Garowe waxaase muuqata Dareen la’aanta Madaxweyne Gaas.

Puntlandes.com

About The Author