Wasaarada Waxbarashada DFS oo baabi’isay qarashaad lagu soo rogay Iskuulada Muqdisho
08 Nov 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamo ka soo saartay Cabashooyin uga yimid hay’addaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay inuu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada ayaa lagu xusay in xarumaha waxbarashada ee ku yaal Muqdisho ay mas’uul ka tahay wasaarada waxbarashada.
“Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Hoos ka akhriso qoraalka wasiirka:
1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada uu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada gobolka Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duga Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan.
2. Iyada oo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq-
maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumaha kala duwan ee xafiisyada iyo wakaaladaha ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku tasarufto, sida in la kireeyo anma u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda.
“Waxaa aad uga xunahay culayskii iyo jahawareerkii ay abuurtay arrintaan
abashada laga soo gudbiyay, madaxda qarankana ku abuurtay walwalka, taas oo keentay in aan go’aamadaan ka soo saarno, waxaana aad u rajaynayaa in aysan soo laaban mar danbe,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.