Puntland oo mar kale digtay dhaqan-gelinta sharciga shidaalka Soomaaliya

10 Nov 2021 (Puntlandes) Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka Soomaaliya oo la saxiixay 10 February 2020, waxaana iminka dalka Imaaraadka ka socda shir Shidaalka ku saabsan oo ay DFS iyo qaar dawlad goboleedyada ka mid ah ay qaybgalayaan.

Puntland waxay sheegtay in Sharcigaas aanu waafaqsanayn Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddaysay in hannaanka qaybsiga Khayraadka dalka aan weli laga heshiin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayay uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wakhtigaan kala guurka ah gasho heshiisyo lagu xaraashayo Khayraadka waddanka.

Sidoo kale Shirkadaha Caalamiga ah ayay uga digtay in aysan heshiis ku saabsan Khayraadka la gelin dowladda Federaalka ee mudda xileedkeedu dhammaaday.

Puntlandes.com

About The Author