Madaxweyne Qoorqoor oo soo saaray liiska labdii Musharax ee ka harsanaa Aqalka Sare

10 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska musharaxiinta labada kursi ee Aqalka Sare ee ka dhineyd maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu sheegay in labadan kursi ay ku tartami doonaan musharaxiinta kala ah:

1- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali
2- Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Liiskan musharaxiinta ayaa waxaa laga reebay Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo hore mid ka mid ah labada kursi ugu fadhiyay iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hore u sheegay inuu musharax u yahay kursiga uu ku fadhiyo Qeybdiid.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa hore uga digey in laga reebo liiska musharaxiinta kursiga hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Xaaf lagu qanciyay in uu tartamo kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Gaalkacyo.

Kursiga kale oo ay isku khilaafsanayeen madaxweyne Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa uuna horay ugu fadhiyay Cabdiwaaxid Goonjeex ayaa loo soo sharaxay Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahdi Aadan Guuleed.

Puntlandes.com

About The Author