Sawirro: Madaxweyne Deni oo shir-gudoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland
10 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Kulanka Amniga Gudaha ee Puntland, oo looga hadlay warbixinta Amniga iyo dardargelinta qorshaha lagu horumarinayo amniga gudaha.
Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ay weheliyaan Taliyeyaasha qeybta booliska ee Gobollada Puntland, Hoggaanka dambi baarista ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada Iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland.