Puntlandes oo waraysi Puntland ku saabsan la yeelatay Aqoonyahan Mahdi Yusuf Dhuux

34

Warbaahinta Puntlandes ayaa waraysi aad u xiiso badan oo dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Aqoonyahan Mahdi Yuusuf Dhuux oo ka faalooda arimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna u dhacay waraysigu sidan tan:

Warbaahinta Puntlandes: Mudane waxaad noo soo koobtaa waa kuma Mahdi  Yuusuf Dhuux?

Mahdi Yuusuf Dhuux: Waxaan ku dhashay magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaana ku soo barbaaray ilaa Iskuul sarena uga baxay Xamar. Waxaan bartay Cilmiga Dhaqaalaha waana ku shaqaynayaa laga soo bilaabo 2004 ilaa iyo iminka.

Warbaahinta Puntlandes: Sidee u agartaa Mudane marxalada ay iminka Puntland ku sugan tahay?

Mahdi Yuusuf Dhuux: Puntland waxaa la aasaasay 1998 waxayna soo martay marxalado kala duwan, runtiina aad ayaa shacabka Puntland ugu macaasheen dhismaheedii waana hooyada Federaalka Soomaaliya. Laakiin waan ka xumahay in aan dhaho wax badan baa iminka u socda sidii ay ahayd in ay wax ku socdaan si ka duwan. Waxaadna Moodaa sidii uu u dhacay Isbedelkii uu hogaaminaayey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in dib u dhac wayn uu jiro.

Warbaahinta Puntlandes: Wax ma nooga sheegi kartaa Dib u dhaca aad sheegtay iyo sababta keentay?

Mahdi Yuusuf Dhuux: Haddii aan idiin soo koobo tusaale ahaan Amnigii oo ahaa wixii aynu ku faanaynay Kha-khal wayn ayaa ku yimid. Iska daa sidii uu balan qaaday madaxweyne Gaas in uu dhulka maqan xoreeyee Somaliland waxay ku fidaysaa dhul hor leh iyadoo madaxdeedu markii u horaysay taariikhda ay booqasho ku yimaadaan meel kulaalaysa Caasimada Garowe. Mudug waxaad moodaa ka mid ahaanshaheeda Puntland in su’aal la geliyey oo madaxweynaha DFS Cadaado shir uu ka furay uu ku yiri waxaa maamul loo samaynayaa labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud. Mushahaarkii shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamada oo aan la bixin mudo. Tan ugu daran dawlad Gaas hogaamiyo waxaa weeye wadashaqayn la’aan iyo qaab wadashaqayneedkii dawlada ood moodo in uu meeshaba ka baxay.  Waxaad arkaysaa Taliyayaal iyo madax kale oo intuu xilka ka qaaday madaxweyne Gaas intay diideen shaqadoodii sii wata, taasina ma ahan wax waligeed horey uga dhacay Puntland. Isku soo duuboo maanta meel aad Qatar u ah ayey taagan tahay Puntland, kuligeena mas’uuliyad ayaa inaga saaran inaynu ilaashano Puntland.

Qofna kaligiis waxba ma qaban karo aniga waxay ila tahay in madaxweynaha Puntland team-ka uu keensaday in aysan ahayn dadkii ehelka u ahaa shaqada uu u dirsaday, haday noqon lahayd Wasiiro, La Taliyayaal iyo madax kaleba.

Warbaahinta Puntlandes: Mudane maxaad ka leedahay dad badan oo qaba maadaama uu madaxweyne Gaas reer Mudug yahay adna aad tahay, soow inaad difaacdo ma ahayn sida Soomaalida looga bartay? Maxay tahay sababta aad u dhaliishid?

Mahdi Yuusuf Dhuux: kkk waa run oo reer Mudug ka sokow waxaan nahay Madaxweyne Gaas dad dhalasho ahaan aad isugu dhaw ehelna ah laakiin aynu labo kala saarno, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waa madaxweynahayga xushmad iyo qadarin baana u hayaa, mida kalena waxaa kuligeen mas’uuliyadi naga saaran tahay Jiritaanka, Midnimada dhuleed iyo dadeed ee Puntland iyo in aynu ka shaqayno sidii ay horumar u gaari lahayd. Tan dambe ayaan madaxweyne Dr Gaas ku kala leexanay maxaa yeelay uma arko in uu ilaa iyo iminka ku hogaaminayo Puntland wadadii saxda ahayd. Anigu hiil waxaan u aqaanaa qofka kuu sheega marka aad Wadadii saxda ahayd ka leexato waana taas taan ugu hiilinayaa madaxweyne Gaas.

Warbaahinta Puntlandes: Ugu danbayntii maxaad u soo jeedin lahayd madaxweyne Gaas iyo guud ahaan shacabka reer Puntland?

Mahdi Yuusuf Dhuux: Madaxeyne Gaas waxaan u soo jeedin lahaa in uu dadka uu madaxweynaha u yahay dhagaysto, u dhago nuglaadana taladooda maxaa yeelay iyaguu u shaqaynayaa oo xilka u dhiibtay. Tan labaadna waxaan kula talinayaa madaxeyne Gaas in uu dib ugu noqdo Team-kiisa keenana dad shaqada uu u dhiibto ka soo bixi kara oo aan culays ku ahayn dadka reer Puntland iyo isaga.

Xildhibaanada, Isimada, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Culimaa’udiinka, iyo qaybaha kale ee reer Puntland waa in dib loo eegaa wixii aynu doonaynay in aynu gaarno iyo maanta meesha aynu joogno. Maxaa inoo hagaagay maxaase inaga qaldamay? Ma aha Mas’uuliyad in aynu doorano Hogaan dabadeedna aynu kula sixaabtamin meesha uu wax u wado iyo sida uu xaal yahay maanta? Waa in talo la isugu noqdaa oo lala xisaabtamaa Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Dr Gaas.

Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa in ay Amniga kala shaqeeyaan Xukuumada iyo Ciidamada kala duwan oo amaanta iyo bogaadinta mudan ee Puntland.

Ugu danbayntiina anoo ka faa’iidaysanaya furasadan waxaan u mahad celinayaa hawlwadeenada Warbaahinta Puntlandes oo har iyo habeen ku hawlan u shaqaynta shacabka Puntland, waxaana leeyahay aad ayaad u mahadsan tihiin.

Puntlandes.com

About The Author