Abuukar Cawaale Qaaddiid oo madaxweyne Gaas ku timaamay nin jilicsan oo ay la shaqeeyaan dad liita

Abukar Awale, Qaadiid oo lagu bartay Ololaha la Dagaalka Qaadka, Ayaa Caawa Bartiisa Facebook ku weeraray Madaxweynaha Puntland kuna tilmaamay Nin Goaan Jilicsan lagu xanto Iyo Dad Tayo Xun.

Hadalka Abukar Awale, Ayaa Caawa Faala badan laga qoray Iyadoo Dadka Puntland ku Taageereen hadalka Abukar Awale u jeediyay Madaxweynaha Puntland.

 

Hoos ka Akhri Hadalkii Abukar

 

Tallo bixin ku socota Ilaaheey ha daayee Madaxweyne prof Abdiweli M. Ali Gaas.

 

Waxaa ayaan daro ‪#‎WEYN‬ ah inuu Madaxweynuhu waxbayahay kasoo qaaday talladii ay soo jeediyeen Culumada, Isimada Jaamacada ,Dugsiyada , Aqoonyahanada iyo tomanaan kun oo shacabka ah oo dhamaantood Cod dheer ku codsaday in dhibaatada qaadka ee ‪#‎Puntland‬ wax laga. qabto, Waxaan jecelahay anoo u nasteexaynaya Madaxwenaha inaan Xasuusiyo ‪#‎DHAARTII‬ uu maray oo ahayd inuu ka shaqeeyo danta dadka Puntland ee uusan ka hor marin danta dadka ka ganacsada qaadka.

 

Waxaana ugu baaqayaa Madaxwenaha isagoo ka fakaraya Mustaqbalka dheer ee caruurta Puntland inuu joojiyo difaacida cad ee uu difaacayo ganacsiga qaadka. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaa lagugu xantaa ‪#‎go‬’aan jileec iyo lataliyaal xumo, wax ka bedel labadaas arimood waxaa kuu fududaan doonta inaad noqoto hogaamiyaha dhiiran ishaalaah.

 

Ugu danbayn waxaan Salaamayaa dhamaan shacabka Puntland Waxaana leeyahay caqabada ugu weyn ee naga hortagaan in qaadka wax laga qabto oo xataa canshuurta lagu kordhiyo waa Madaxwaynaha, Waxaana leeyahay yaan laga quusan ee hala sii wado ollolaha hana loo duceeyo Madaxweyne Gaas in ilaaheey xaqa tuso.

 

Guuleysta…

 

 

 

About The Author