Doorashada 9 Kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la shaaciyay

14 Nov 2021 (Puntlandes) Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay doorashada 9 kursi oo la qabanayo maalmaha soo socda.

Guddiga ayaa faray oday dhaqameedyada kuraastas inay yimaadaan 15ka bsihan xarunta guddiga si loo siiyo tababar la xiriira qaabka xulista ergooyinka.

Waxaa qoraalka uu soo saaray guddiga doorashada Somaliland ku sheegay in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9ka kursi ee ay shaaciyeen.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa hore u qabtay labo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada hadda ku fadhiya kuraasta Gobolada Waqooyi ee la shaaciyay Maanta in la bilaabayo Doorashadooda,waa kuwan.
1-HOP 202- Aamino Cumar Jamac
2-HOP 208-Jamal Xasan Ismacil
3-HOP 210- Faduma Xasan Cali
4-HOP 225- Maareeye
5-HOP 226- Maryan Axmed Harun
6-HOP 272- Guleed Ceydurus
7-HOP 214- C/qaadir M/med Cusman
8-HOP 218- Cabdow Maax Farax
9-HOP 233- Yurub Axmed Raabi.

Puntlandes.com

About The Author