Taageerayaasha Gaas oo cay ku tilmaantay qoraalkii Abukar Cawaale Qaad-diid

Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu si bareer ah u laalay Qodob Dastuurka Puntland uu siinaya Muwaadiniinta reer Puntland kaasoo ah Xoriyataul Qowl iyo inay Aragtidooda si xor ah u cabiri karaan. Dr Gaas ayaa caado ka dhigtay in uu muwaadinkii talo soo jeediya ama yiraahda waxbaa ka qaldan Puntland uu ku soo daayo Kuwa Cay iyo Aflagaado la dajoogsada.

Horta ma Caybaa in Muwaadin cabiro Fikradiisa? Jawaabtu waa maya, hadaba maxay doonayaan Gaas iyo taageerayaashiisu ma waxay moodeen in ay iyaga kaliya leeyihiin Puntland? Soow wax la wada leeyahay maaha? Muwaadin walbaa soow wax kama laha?

Shalay ayaa waxaa qoraal talo iyo waano ah soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ga Abukar Cawaale Qaad-diid, halkan ka akhri qoraalka, iyadoo kaliya ahayd talo iyo nasteexo ku socotay Madaxweynaha Puntland Dr Gaas jawaabtii uu ka helay Madaxtooyada madaxweyne Gaas waxay noqotay Cay iyo Aflagaado.

Waxaa ugu sii darnaa markii Halgamaa Abukar Cawaale Qaad-diid lagu shaabadeeyey inay Xamar soo dirtay maadaama uu hada ku sugann yahay si loogu tuso reer Puntland in lacag Villa Somalia soo siisay ku Caayey madaxweyne Gaas CAJIIB.

Shacabka Puntland waa in ay ku baraarugaan waxa uu Samaynayo madaxweyne Gaas oo ah jabin Dastuurka Puntland oo u banaynaya in Muwaadin kastaa Cabiri karo Ra’yigiisa si xor ah.

Warbaahinta Puntlandes ayaa idiin soo gudbinaysa qoraal ay taageerayaasha Gaas ugu jawaabayaan Abukar Cawaale Qaad-diid, hoos ka akhri qoraalka.

https://www.facebook.com/afhayeenkadawladda.puntland?pnref=story

Dhamaan shacabka reer Puntland ee qurbo- iyo gudaba ku nool waxay aad uga xun-yihiin Abukar Awale Qaad-diid oo horay loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Garowe. Qardho, Waaciya, Carmo., Buurtinle Gaalkacyo Buuhoodle iyo meelo kale oo badan in uu cay ugu abaal gudo markii uu ka tagey. waa yaab..

Abukar Cawaale maxaa ku ka lifay in uu shacabka Puntland ee sidii aynu wada ogayn u soo dhaweeyey ugu abaal-gudo in uu madaxdooda caayo markii uu Xamar tagey..

Maxaa Tagida Xamar iyo Cayda Puntland isku beegay

Abukar hada wuxuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho lamana garanayo sababta ku kaliftay arintaan. waxaase la aamisan yahay arimahaan.

Dad badan baa aaminsan in Abukar loo balan qaaday Wa xoogaa dhagaale ah hadii uu madaxda Puntland caayo halka qaarna aaminsan yihiin in uuba naftiisa ku badbaadinayo..

Muwaadin Puntlander ah cayda Abukar Cawaale waxay la mid tahay nin kugu soo hoydey oo aad si fiican u soortay oo markii uu kaa tagey candhuuf kugu tufay. wax macno ah noo samayn mayso waanse baranay qofka uu yahay Abukar.

About The Author