Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya Soomaaliya
17 Nov 2021 (Puntlandes) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah waxay ka yeelanayaam xaaladda Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa looga dhagaysan doonaa warbixin Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Sida ay wararku ay sheegayaan kulankan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashada, howlgalka AMISOM iyo arrimaha bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
Beesha caamalka dhawaan walaac ka muujisay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada, iyaga oo ku boorriyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyadyada inay dhammeysitraan geeddi-socodka doorashada.