Senatar Dhagey oo Iska casiley Aqalka Sare

18 Nov 2021 (Puntlandes) Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ka tanaasulay Kursiga Senatarnimo ee Aqalka Sare oo bishii 12-kii Agosto ee sanadkan dib loogu doortay.

Qoraal uu u diray Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoonka Baarlamaanka ayuu ku caddeeyay sababta uu kursiga uga tanaasulay oo ah inuu doonayo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex abuuro siyaasad caafimaad qabta.

Senatar Dhagey ayaa hoos aaday, gaar ahaan Aqalka Hoose oo uu u tartami doono Kursiga nambarkiisa yahay #HOP026 oo ay ku fadhisay Ikraan Absuge.

Puntlandes.com

 

About The Author