Sawirro-Muuqaal: Axmed Karaash oo deegaanka Falayryaale ee Gobolka Sool ka dhagaxdhigay Ceel-biyood, qaybo cusub oo lagu kordhinayo Iskuulka Falayryaale iyo mashaariic kale
18 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegay deegaanka Falayryaale ee Gobolka Sool ayaa dhagax dhigay Ceel-biyood riig, qaybo cusub oo lagu kordhinayo Iskuulka Falayryaale, waxaa kaloo uu dhagax dhigay xarunta shirkadda Golis ee deegaanka, isagoo ugu danbayn booqday Kastamka Falayryaale.