Daawo Muuqaalo: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022

20 Nov 2021 (Puntlandes) Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland oo ay soo xaadireen 45 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2022 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey.

Dood dheer ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyada ah ku ansxiyey Miisaaniyadda sannadka 2022 taasoo dhan $354,093,039.

Miisaaniyadda ayaa waxay ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda, sida ku cad Buugga Miisaaniyadda dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonaya $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 kordhay dhan 11% marka la barbar dhigo sannadkii 2021.

Gudiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Barlamanka Puntland oo kawarbixiyey Miisaaniyada 2022

Xildhibaannada Puntland oo kadooday Miisaaniyadda Dawladda ee 2022 oo la horkeenay Golaha Wakiillada

Puntlandes.com

About The Author