Sawiro: Puntland TV oo laga Furay Australia, Wasiiro Puntland iyo Martisharaf ka Qeyb-galay
Melbourne (Pes) Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayey xafiis (studio) cusub oo uu leeyahay Puntland TV ayaa xalay lagu qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Xaflada lagu furayey Puntland TV Australia waxaa xalay ka qeyb-galay Wasiir Dr. Maxamed Cabaas iyo Wasiir Dr. C/Raxmaan Kulmiye iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya dalka Australia Hon. Yoonis Yaasiin Xaashi iyo Guddoomiyaha Qurba-joogta Puntland Cumar Dholawaa iyo afhayeenka Jaaliyadda Puntland Siciid Shiinle iyo Siyaasiyiin, Waxgarad iyo martisharaf farabadan.