Wasiirka Amniga DFS oo amar ku bixiyey in NISA ka hawlgeli karin Garoonka diyaaradaha
01 Jan 2022 (Puntlandes) Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa faray Kusimaha Taliyaha NISA inuu mas’uuliyadda Amniga ee Ciidanka NISA ka hayeen Garoonk diyaaradaha ay ku wareejiyaan Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan ciidankii ka howlgalayay gudaha garoonka, mana jirto wax ciidan oo NISA ah oo ka howlgeli kara ama ciidan hub la geli kara garoonka, marka laga reebo Ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah sida Ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka.
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo garoonka.