RW Rooble oo magacaabay guddi soo baara isku daygii afgambiga xafiiskiisa

01 Jan 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo fulinaya go’aankii golaha wasiirada DFS ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda.

Hoos ka akhriso Wareegtada uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu:

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

About The Author