Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray Dekadda Bosaso
02 Jan 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer Shaqo ku tagay Furdada Dekadda Bosaso.
Maamulaha Furdada Bosaso Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Saldhiga Dekadda G/dhexe Warsame Axmed Shirwac ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Dekedda.
Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey Goobaha kala duwan ee shaqadu ka socoto ee cashuurista Badeecadaha ay keeneen Doonyaha iyo Maraakiibtu.
Markii uu soo idlaaday kormeer ka shaqo Wasiirka ayaa kulan la qaatay Maamulaha Furdada iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayada oo kulan kaasi looga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista Dakhliga.
Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Kastamka Furddada kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda shaqo.