Wasiirka Amniga DFS oo sharaxay sababta uu ugu amaray in Ciidamada NISA ka baxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade

02 Jan 2022 (Puntlandes) Wasiirka Amniga DFS C/llaahi Maxamed Nuu ayaa qoraal uu soo saaray ku sharaxay sababta uu ugu amaray in Ciidamada NISA ay ka baxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, wasiirka ayaa ku sababeysay tilaabadaas iney ahayd mid lagu xaqiijinayo badbaadada dadka Garoonka Kasoo Dagayo.


Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale ku eedeysay qaar kamid ah Ciidanka NISA ee dharcada Garoonka in ay qorsheeyeen xirista Siyaasiyiin iyadoon wada sharci ah loo Marin.

Qoraalkaan ayaa Sidoo kale lagu yiri waxa uu quseeya kaliya Dharcadka Gudaha garoonka ka hawlgala balse uusan ku quseyn kuna socon Ciidamada NISA ee baraha Koontarool Ku sugan sida Barta Koontrool Ee KM 4.


Puntlandes.com

About The Author