Daawo Muuqaal: TPEC oo war ka soo saartay Iscasilaadii guddoomiyahooda & kuxigeenkiisii (War-saxaafadeed)
02 Jan 2022 (Puntlandes) Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, (TPEC), ayaa war ka soo saaray Iscasilaadii guddoomiyahooda Guuleed Saalax Barre iyo kuxigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax oo maanta iscasilay.
Shir ay isugu yimideen xarunta dhexe ee TPEC xubnaha sare ee Guddiga ayaa waxay ugu caddeeyeen shacab waynha Puntland, dawladda Puntland, Ururada siyaasadda, Urura Bulshada Rayidka ah iyo daneeyayaasha Caalamka in aan wax hakad ah ku imaan doonin shaqada guddiga u hayey reer Puntland.
Guudiga ayaa waxay isla galabta guddoomiye KMG ah u doorteen C/risaaq Axmed Siciid, halka ay kuxigeenna u doorteen Cali Jaamac Faarax.
Puntlandes.com