Dawladda Puntland oo ka hadashay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka TPEC
03 Jan 2022 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa ka hadashay iscasilaadda ay shalay ku dhawaaqeen Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC).
Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu cadeeyay iney ka xun tahay go’aanka ay qaateen Guddoomiye Guuleed Saalax iyo Kuxigeenkiisa Jaamac, balse waxaa hoosta looga inaysan saameynta ku yeelanayn talaabadaasi qorshaha doorasho qof iyo cod looga sameynayay deegaanada maamulka Puntland.
Hoos ka akhriso qoraalka:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay insha Allaah.
Guul iyo Gobonimo