Wararkii u dambeeyay ee Shirka Afisyooni
06 Jan 2022 (Puntlandes) Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo manta galay maalintiisii afaraad ayaa qarka u saaran in lagu kala tago, iyadoo doodda ugu weyn ee shalay iyo maanta shirka hareysay uu yahay arrinta Amniga.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu ku hanjabay inuu shirka ka tagayo haddii amniga laga hadlayo.
Xaalada uu shirkan ku sugan yahay ayaa la mid ah midkii Shirkii April ee sanadkii hore oo ugu dambeyn lagu kala tagay, horseedna u noqday muddo kororsigii labada sano iyo isku dhacyadii Muqdisho ka dhacay ee looga soo horjeeday muddo kororsiga.
Hase yeeshee dowlada federalka ayaa rajo ka muujisay in shirka uu guul ku dhamaanayo iyadoo shalay afhayeenka xukuumada uu sheegay in shirka la filayo in maalmaha soo socda la soo gabagabeeyo.