Farmaajo oo faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee in aan laga saari karin Khasnadda Dowladda lacagtii UAE
07 Jan 2022 (Puntlandes) Madaxweynahii mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta sida sharci darrada ah lagu soo geliyey dalka ee Hay’adaha Ammaankuna ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.
Farmaajo ayaa hanaanka lacagta lagu soo galiyey dalka ku sifeeyey sifo aan waafaqsaneyn hanaanka Maaliyada ee sharciga ah iyo sharuucda caalamiga ah ee isu gudbinta lacagaha, wuxuuna ku shaagay wareegtada inay lacagtani halis ku tahay Amniga Qaranka iyo xasiloonida dhaqaalaha ee dalka.