Daawo Muuqaal: Farmaajo oo jeediyey khudbad uu ku taageeray qodobadii shirka Madasha qaranka kasoo baxay

10  Jan 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey ayaa taageeray qodobadii shirka Madasha qaranka kasoo baxay.

Farmaajo oo shirka Madasha ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan halkan ka bogaadiyo shirkii Madasha Wadatashiga maalmahan uga socday magaalada Muqdisho, kaasoo ay kasoo baxday natiijo wanaagsan oo xoojinaysa dhammeystirka doorashooyinka, shirka waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka jawaabaya Cabashooyinkii laga qabay habsami u socodka doorashada iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadihii ku gudbanaa geeddi socodka doorashada”

Farmaajo oo afkiisa aan soo marin 10kii daqiiqo ee uu khudbadda jeedinayey afkiisa soo marin RW Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Farmaajo ayaa yiri “Jidka kaliya ee looga baaqsan karo caqabadaha Doorashada dib u dhigay waa in Madaxda D/gobaleedyadu qaataan doorkooda hoggaaminta ee kaga aadan fulinta iyo dhameynta doorashada Xildhibaannada Golaha shacabka socota, danaha gaarka ahna laga hormariyo xasilloonida iyo danta guud ee dalka”

Farmaajo ayaa ku sii daray “Waxaan idin ku boorrinayaa in aad dadaalkiinna sii joogteeysaan, kana fogaataan wax kasta oo caqabad ku noqon kara hiigsiga shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dalkeenna, marxaladdan xasaasiga ahna aan uga gudubno midnimo, wadatashi iyo wax wada-qabsi.

Farmaajo ayaa ku faanay inuu guulo la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka iyo dawlad wanaag.

Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.
Hoos ka daawo khudbadda Farmaajo

Puntlandes.com

About The Author