Akhriso qaar ka mid ah Isimada gobolka Bari oo goaano soo saaray shaqaaqadii Bosaso

11 Jan 2022 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Isimada gobolka Bari oo dagaalkii Bosaso ka hor soo saaray goaano aan la qaadan ayaa maantana goaano cusub oo hor leh ka soo saaray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Bosaso.

Isimadda ayaa qoraalkooda ku yiri “gogol dib u heshiiseed inaan u dhigno madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni, saraakiisha PSF iyo masuuliyiintii hogaaminaysay ciidamada dhinaca dawladda Puntland…”

Sidoo kale Isimadda ayaa qoraalkooda ku yiri “Hayadda PSF in ay ahaato sideedii hore, Agaasimaheeduna ahaado Sareeyo Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, Kana shaqayso Dib u hagaajinta, Tayeynta & Dibu dhiska ciidankii kala irdhoobay & Difaaca Puntland, gogol dibu heshiisiineed in la dhex-dhigo Siciid Deni & Maxamuud Cismaan Diyaano”

Hoos ka akhriso qoraalka Isimada


Puntlandes.com

About The Author