Muuse Geelle oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federal
15 Jan 2022 (Puntlandes) Muuse Geelle Yusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, isagoo helay codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.
Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo garab ka helayay qaar ka mid ah Puntland, Jubaland iyo qayb ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Sidoo kale C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay Madaxtooyada KGS, Galmudug iyo xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Waana markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaayeen doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT
Waa kuma Muuse Geelle:
Muuse Geelle ayaa wuxuu Puntland ka soo qabtay xilalkaan kala ah:
- Duqii hore ee Degmada Bosaso
- Guddoomiyihii Gobolka Bari
- Agaasimahii hore ee Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Puntland
- Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland