Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya

16 Jan 2022 (Puntlandes) Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska dabka ee Muqdisho, qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu watay afhayeenka xukuumada Ibraahim Macalimuu.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu ku dhegay baabuur uu watay afhayeenku.

Waxaana soo gaaray afhayeenka dowlada Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu dhaawac fudud isagoo lagu daweynayo mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

About The Author