Maxkamada Sarre ee Somaliland oo ku dhawaaqdey goaankii furista Ururada
16 Jan 2022 (Puntlandes) Maxkamada Sarre ee Somaliland ayaa ku dhawaaqdey goaankii laga sugaayey ee furista Ururada siyaasadeed.
Maxkamad Sare ee Somaliland ayaa diiday inay xukun ka soo saarto dacwadii ay u gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.
Maxkamadu waxay sheegtay in uu dhaqan gal yahay wax ka bedelka XL.14 . 2011 , taasoo uusan muran ka jirin, laakiinse muranku waxuu ka taagnaa wax ka bedelka XL.14 . 2021, taas-na maxkamadu way diiday.