Sawirro.Muuqaal: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray Beledweyne
06 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka ambabaxay magaalada Jowhar ayaa gaaray magaalada Beledweyne.
Cali Guudlawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.
Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.
Waddooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.
Xalay ayaa Gen Xuud waxaa uu ku hanjabay inuu talaabo ka qaadayo Cali Guudlaawe haddii uu isku dayo inuu tago magaalada Beledweyne.