Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo heshiis la gaaray beesha Xawaadle oo tabasho kaqabtay maamulkiisa

08 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha Xawaadle ee tabashada ka qabay Maamulka Hirshabelle.

Kulankan ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka ka dhex jira maamulka Hirshabelle iyo qaar ka mid ah beelaha Hirshabelle.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

About The Author