Sawirro-Muuqaal: Korneyl Nuur Dheer oo raaligeliyey madaxweyne cali Guudlaawe
12 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa la kulmay Korneyl Nuur Dheer Xildhibaan iyo saraakiil kale.
Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qatafkii yaraa ee ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaansha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto.
Korneyl Nuur Dheere ayaa ka mid ahaa Ciidan la baxay “Ciidanka Badbaado Hiiraan ayaa si cad uga soo horjeestay in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe tago magaalada Bedelweyne, hoos ka daawo muuqaal uu arintaas uga hadlayo Nuur Dheere