Sawirro: DDS oo bulshada ku nool degmada Galxamur ee gobolka Doollo gaarsiiyay raashinka

13 Feb 2022 (Puntlandes) Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa bulshada ku nool degmada Galxamur ee gobolka Doollo waxay gaarsiiyay deeq raashin ah, iyadoo dadka ku nool degmadaas ay abaartu saamayn xoogan ku yeelatay.

Waxay deeqdaan dawlad deegaanku u qaybisay 212 qoys, kuwaas oo ay saamysay abaarta deegaanka ka jirta, iyadoo degmadaas xataa xoolaha raashin la siiyo.

Guddoomiyaha degmada Galxamur C/laahi C/waaxid Gaboose ayaa sheegay in xaaladda abaarta ee degmadu tahay mid adag oo saamaysay dadka iyo duunyadaba, degmo ahaanna ay wadaan dadaallada loogu gurmanayo bulshada laguna gaarsiinayo biyo-dhaamin, raashinka ay deeqda xukuumadda gaarsiin doonaan tuulooyinka hoos yimaadda degmadani Galxamur ee gobolka Doollo.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Xirfadaha Iyo Shaqo abuurka DDS, C/risaaq Aadan Cadhays ayaa sheegay in guud ahaan degmooyinka Deegaanka Soomaalida laga wado gurmadka ka-jawaabista abaaraha ee loogu gurmanayo bulshada.

About The Author