Akhriso-Muuqaal: Golaha Fulinta & Baarlamaanka Jubbaland ee ka soo jeedo Gobolka Gedo oo soo jeediyay in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya qabsoomida doorashada 16 kursi ee Garbahaarey
13 Feb 2022 (Puntlandes) Mas’uuliyiinta Golaha Fulinta iyo Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland ee ka soo jeedo Gobolka Gedo ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha Jubaland in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya qabsoomida doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadooda tahay Garbahaarey.
Mas’uuliyiint ayaa sheegay in NISA ay ciidamo badan oo lagu magacaabo Duufaan ku daabuleen Gobolka Gedo, kana abuureen xaalad ku dhisan Cabsi gelin.
Sidoo kale waxaa NISA lagu eedeeyay inay Gobolka Gedo ka abuureen siina huriyeen xaalad amni daro oo horseedi karta gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta matalaada, ayna is abaabuleen isna hubeeyeen sideed beelood oo ku sugan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.